JURK

JURK waxay aqbashay kiisas cusub:

  • Isniinta laga bilaabo 12:00 ilaa 15:00 (ku soo dhawaynta telefoon ahaan ama qof ahaan)

  • Arbacada laga bilaabo 09:00 ilaa 12:00 (taleefoon ahaan)

  • Arbacada laga bilaabo 17:00 ilaa 20:00 (ku soo dhawaynta telefoon ahaan ama qof ahaan)

Saacadaha taleefanka ee kuwa leh kiis ka diiwaan gashan JURK:

  • Isniinta laga bilaabo 09.00 ilaa 15.00

  • Talaadada laga bilaabo 09.00 ilaa 15.00

  • Arbacada laga bilaabo 09.00 ilaa 15.00

  • Khamiista laga bilaabo 09.00 ilaa 15.00

 

Talobixinta Sharciga ee Haweenka (JURK) waxay u fidisaa caawimaad bilaash ah, haweenka isku filan naftooda shakhsi ahaan tan oo loogu talagalay qof kasta oo isku sheega inay tahay haween. Waxaan bixinaa kaalmada sharciga guud ahaan Noorway iyada oo loo marayo warbixinta ku saabsan xuquuqda, saameynta sharciga iyo caawimaadda kiisaska gaarka ah.

JURK waxaa maamula ardayda meel sare ka gaadhay jaamacada sare ee sharciyada waxaanan ku kordhinaynaa dhamaan haweenka inay ka warqabaan xuquudooda sharci, iyo dhaqan galinta sinaanta.

Haddii aad qabtid su'aal sharci oo ku saabsan sharciga carruurta, sharciga qoyska, sharciga shaqada,midab takoorka, sharciga amniga bulshada, sharciga socdaalka, sharciga kireysiga, sharciga deynta, sharciga xabsiga iyo xadgudubka, waad nala soo xiriiri kartaa.

Heshiiska macmiilka

Xafidaada/ilaalinta shakhsiyeed

Noo soo dir dacwadaada

Halkaan ku dir dokumetiga

Miyaad kiis hore kuu diwaan gashan yahay oo aad dooneysaa inaad soo gudbiso dukumiinti aan kaa codsannay? Kadib waxaad riixi kartaa batoonka "Gudbi dukumiintiyada". Haddii lagu weydiisto inaad soo gudbiso wakiilnimada, waxaad ka heli doontaa qaabkeenna ah foomka wakiilka ee qaab-dhismeedka halkan.

Foomka wakiilka  (pdf)
Foomka wakiilka / Power of attorney (pdf) 

Halkaan ku dir dokumentiga