Warbixin loogu talagalay adigoo ah qofka caawimada raba

Warbixin loogu tala galay qofka caawimada ka dalbayanaya

 JURK

JURK waxaa la aasaasay 1974 kii. Waxaa na hawl qabadkeeda wada ardayda sharciga oo kaashanaya maareeyaha guud, lataliyaha maadada sharciga iyo shaqaale ka tirsan xafiiska.

 

Ayaa caawimaad naga heli kara?

  • Qofkasta oo isku cadeeya inay tahay haween wuxuu JURK ka heli karaa caawimaad xagga sharciga ah.
  •  Haddii aan awood yar leenahay, waxaan mudnaanta siin doonnaa caawinta kuwa ugu dakhliga yar marka hore. Tani waxay ka dhigan tahay in kiiskaaka la diidi karo dakhligaaga dartiis/awgiis.
  •  Haddii aad leedahay hanti aad si xor ah u isticmaasho, tani waxay noqon kartaa sababta aan u diidno kiiskaaga.
  •   Kiisaska la xiriira xadgudubka, dhibaateynta galmada ama takoorka jinsiga, waan caawinaa, iyadoo aan loo eegin waxa aad  leedahay/haysato ee ah dakhli ama hanti.
  •  Waxaa kiisaska ka shaqeeya oo xiriiriye ka ah rag iyo haweenba. Asal ahaan, waa nasiib cidda kugu soo hagaagta ee aad la hadasho, laakiin haddii ay kugu adag tahay inaad la hadasho nin, waxaan hubin karnaa inaad la hadasho haweeney ka shaqaysa kiisaska.

 

Waxaa aan kaa filanayno:

  • Inaad si daacadnimo ah uga hadasho kiiskaaga, oo aadan qarinin warbixin muhiim noo noqon karta markaan ku caawinno.
  • Inaad ka jawaabto markaan isku dayeyno inaan kula soo xiriirno, iyo inaad timaadid waqtiga lagu ballamay haddii aan shirar leenahay/qabanno.
  • Inaad gacan ka geysato helitaanka dukumiintiyada aan u baahannahay inaan kula eegno ee kiiskaaga (tusaale ahaan, go'aanka ka yimid Nav, heshiiskaaga shaqada, iwm.).
  • Inaad noo sheegto haddii aad fahanto inuu jiro khilaaf danaha idinka dhexeeya adiga iyo qof kale oo aan caawinaynno.
  • Inaad kaliya kala xiriirtid xiriiriyaha kiiskaaga lambarka taleefanka JURK, emayl, warqad ama imaatinka xafiiska ah. Haddii aad si gaar ah ula xiriirto xiriiriyaha kiiska, waxay sabab u noqon kartaa inaan kiiskaaga xidhno.

Warbixin faa`iido leh:

  • Waxaan furan- nahay sanadka oo dhan, marka laga reebo ciidaha Kirismaska ​​iyo ciida påske- ha. Waxaan sidoo kale xidhnaa marka shaqaalaha kiisasku ay kujiraan aqoon isweydaarsiyo iyo wixii lamid ah. Inta lagu jiro muddooyinkan, kama shaqeyno kiisaska, waana adag tahay in nala soo xidhiidho.
  • Caawinaada dhammaanteed waa bilaash. Haddii aan kaa caawinno, tusaale ahaan Guddiga Dhexdhexaadinta ama Guddiga khilaafaadka kirada, waxay kaa qaadaan lacag ganaax ah. Waa inaad adigu iska bixisaa khidmadda/ganaaxaas. Waa inaad lacagta ku bixisaa akoonkeena macaamilka kahor intaanan kuu gudbin dacwada.
  • Wasaaradda cadaaladda, magaalada Oslo, baarlamaanka samafalka iyo mu'asasado kala duwan ayaa maalgeliya howlaheena. Jaamacadda Oslo ayaa bixisa kharashka kirada xafiisyada.
  • Ma qaabilo kiisaska  ku saabsan sharciga shirkadda, canshuurta, magangelyada, dhaxalka, caymiska, dhaxalka ama iibsashada iyo iibinta dhismaha. Ma diyaarinno dardaaranno iyo heshiisyo guur. Waxa kale oo jira meelo kale oo kiisas ah oo anann karti aqoomeed aanaan u lahayn, oo sidaas darteed waa inaan joojinaa kiisaskaas. Tani waxay dhacdaa ka dib qiimeyn gaar ah.
  • Farqi weyn ayaa u dhexeeya waxa aan ka caawin karno noocyada kala duwan ee kiisaska iyo kiisaska kala duwan.
  • Dacwadaha uma qaadno maxkamada.
  • Waxaan kaliya caawinaa shaqsiyaadka gaarka ah, kama caawinno kiisaska shirkadaha.
  • Xiriiriyeha kiiskeena waxay iska kaashadaan kiisaska oo dhan. Waxaad lahaan doontaa xiriiriye kiis oo joogto ah oo aad xiriir la leedahay, laakiin dhowr kale ayaa ku lug yeelan doona kiiskaaga. Qof kasta oo nala shaqeeya waxaa ku waajib ah xog/sir qarin.
  • Waxaan badanaa kaa soo wacnaa lambar qarsoon.
  • Waxaan kaliya oo aan caawinnaa kiisaska ku lug leh xeerarka sharciga Noorwiijiga ah.

Wakhtiga ka shaqaynta kiiska:

  • Waxaan kiisaska oo dhan uga shaqayanaa qoraal ahaan. Tan macnaheedu waxa weeye waxaad jawaab nooga heli doontaa qoraal warqadeed. Haddii aad u baahan tahay caawimaad akhriska warqadda, shaqaalaha kiiskaaga ayaa ku soo wici kara. Kahor inta anaan kuu soo dirin waraaqada, waxaa si fiican u hubiya dhowr qof oo shaqaalaha kiisaska ka shaqeeya.
  • Waxay qaadan kartaa 3-4 toddobaad kahor inta aadan jawaab naga helin.
  • Haddii aad noo timaado ka dib wakhtigii cabashada/dacwada ay dhaaftay, cabashooyinka, waxaa xaqiiqa ah inaanu ku caawin karin. Waxa sidoo kale la mid ah hadii aad noo timaado wax yar ka hor wakhtiga cabashada/dacwada.
  • Haddii aad naga hesho warqad oo aad u baahan tahay caawimaad intaa ka dib, mar kale ayey qaadan kartaa wakhti inta aanad jawaab naga helayso.

Ku saabsan jawaabta aad naga helayso

  • Haddii aynaan si kale ku heshiin, jawaabta aan ku siino waxaa loogu talagalay kiiskaaga gaarka ah. Taas macnaheedu waxa weeye in aan la hubin inay khuseyso dadka kale ee dhahaya waxaan soo maray wax la mid ah xaaladaada oo kale.
  • Xaaladaha qaarkood, waxaan bixinaa oo keliya warbixin guud. Had iyo jeer ma dhihi karno waxa uu xalka noqon doono kiiskaaga gaarka ah.
  • Waa inaadan beddelin dukumiintiyada aan kuu soo dirnay, ka dibna aad u gudbiso, illaa aan horay u oggolaannay inay caadi tahay.

 

 

Howlahayaga ku saabsan maaraynta keydka:

  • Waxaan kaydinaa nuqulka/kobiga dhammaan dokumentiyada kiiska ku jira muddo toban sano ah ka dib marka aan kiiska dhamayno. Waxaan elektiroonig ahaan ugu kaydineynaa server-ka aaminka ah.

 

Cabasho:

  • Haddii aadan ku qanacsanayn howsha kiiskaaga, waad nala soo xidhiidhi kartaa. Waan ka fiirsan doonaa haddii ay jiraan wax ay ahayd inaan si ka duwan u qabanno ama ay tahay inaan sameyno si aan u saxno. Lama hubo in cabashadu ay tayo waxqabad yeelan karto.

 

Xidhitaanka iyo ruqseynta kiisaska:

  • Haddii aadan buuxinin shuruudaha aan ku qornayn hoos "Waxa aan kaa filayno", waxa aan joojin karnaa dacwadaada. Haddii aad wali rabto caawimaad, waa inaad markale nala soo xiriirtaa si aad u ogaato in aan kuu furi karno kiis cusub.
  • Haddii aan haddaba qof caawineyno, oo ay jiri karto isku dhac dan ah haddii aan ku caawinno, waa inaan kaa diidnaa caawinta aan ku caawinayno.
  • Haddii aad la xiriirto warbaahinta iyada oo aan marka hore aadan helin caddeyn, waxaa jiri kara sababo aan ku diidi karno kiiskaaga.
  • Ma caawin karno kiisaska ku lug leh lacag badan.
  • Haddii aan leenahay dalab ballaaran, waxaan diidnaa kiisaska ku lug leh isku darka lacag ka yar 3,000 NOK.
  • Haddii aan horey uga shaqaynay kiiskaaga, dib ugama shaqeyn doono isla kiiskaa markale. Annagu sidoo kale kama shaqayno kiisaska ay ka soo  shaqeeyeen kalkaaliga maxkabadeed ama sharci yaqaane, illaa iyo inta aanann ka arkaynin in kaalmada aad heshay ay aad u liidatay.
  • Haddii aan karti u lahayn, waa inaan diidno kiiskaaga.
  • Haddii aad u hanjabto ama aad u soo bandhigto shaqaalaheenna weerar shakhsiyeed oo xun, waannu diidi doonnaa kiiskaaga.
  • Ma aqbaleyno takoorida loo geysto shaqaalaheena iyadoo loo eegayo da ', jinsi, jihada galmada, midabka maqaarka, diinta, aragtida nolosha, aqoonsiga jinsiga, muujinta jinsiga ama kartida shaqo. Haddii aad muujisid takoor noocaas ah, waan diidi karnaa kiiskaaga.
  • Haddii aad caawimaad xagga sharciga ah ka hesho qof kale kiiskaaga, JURK lama shaqeyn karto. Tani waa sababta oo ah kama caawinno kiisaska macaamiisha ka hele caawimaad cid kale oo bixisa kaalmada sharciga. Haddii aad qareen u leedahay kiiskaaga, JURK guud ahaan waxba kama qabto.

Mas'uuliyadda:

  • Adiga iyo annaga midna ma dalban karno magdhow khaladaadka, ka-dhaafitaannada, waxyeellada, shilalka, fayrasyada ama wixii la mid ah ee xiriirka elektiroonigga ah.
  • Sheegashooyinka aad naga soo gudbiso annaga oo keliya ayaa lagu soo oogi karaa JURK urur ahaan, mana ahan mid ku eg kashaqeeyaasha kiisaska mid u gaarka ah.

 

 

Xeerarka dhaqanka wanaagsan:

  • Waxaan raacnaa qawaaniinta dhaqanka wanaagsan ee sharciga illaa iyo inta ay ku habboon yihiin waxqabadkayga. Waxaad ka heli kartaa xeerarkan websaytka Ururka Qareennada Norway: www.jus.no.

 

Xafidaada shakhsiyeed:

  • Wixii warbixin dheeraad ah ee ku saabsan sida aan ugu shaqeyno macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed, waxaad ka arki kartaa bayjka xafidaada/ilaalinta shakhsiyeed: www.jurk.no
Publisert 16. des. 2020 17:14 - Sist endret 18. jan. 2024 13:09